Warbixintan waxaanu ku soo qaadaneynaa awooddo Mareykanka uu ku leeyahay Bariga dhexe, saldhigyada ugu waa weyn ee uu halkaasi ku leeyahay iyo tirada ciidamada ka jooga.
Sida la wada ogyahay Iran ayaa mar walba oo uu weerar uga yimaado Mareykanka, jawaabta ka dhigta duqeymo ay la beegsato saldhigyada iyo xarumaha muhiimka ah ee uu Mareykanku ku leeyahay dalalka Khaliijka,,, waxana arrintani ay noqotay mid ay si joogto ah cabasho uga muujiyaan dalalka Carabta oo doonaya in Iran ay u aragto kuwa aan dagaalka qeyb ka ahayn.
Xilligan Maraykanka ayaa awood ciidan oo la taaban karo ku leh Bariga Dhexe, waxeyna ciidamo ka joogaan in ka badan toban waddan, isagoo keenay in badan oo qalabkiisa milatariga ah, sida maraakiib iyo diyaarado dagaal.
Sida la ogyahay, Maraykanku waxa uu saldhigyo ciidan ku leeyahay ugu yaraan 19 goobood, oo bariga dhexe ah, waxaana Xeryahasi hadda ku sugan 40,000 oo askari, iyo sidoo kale nidaamyada difaaca hawada, diyaarado dagaal, iyo maraakiib dagaal.
Duulaankii Mareykanka ee 26 febaraayo iyo weeraradii kal hore uu ku qaaday saddex xarumood oo Nukliyeer ah oo ku yaalla Iran, waxey soo de-dejiyeen in saldhigyadan ay noqdaan bartilmaameed, waxeyna Iran ay weeraro ku ekeysay qaar badan oo ka mid ah saldhigayada mareykanka ee bariga dhexe,, maaddaama yoolkeedu uu yahay iska caabin iyo aargoosi.
Weerarada Iran ee Saldhigayadan ayaa cabsi ballaaran ku abuuray Mareykanka, iyo dalalka Carabta, waxaana Trump uu ku qasbanaaday in wada hadal lagu soo afjaro colaadda,, maaddaama uu kordhayo Walaaca dalalka Carabta, Halka Xukuumadda Islaamiga ee Iran ay dhankeeda u muuqato mid jawaab cad ka bixineysa weerar walba oo Mareykanka uga yimaada, iyadoo sidoo kalana dhagaha ka xirata qeylo dhaanta iyo catawga ka soo yeeraya dalalka Khaliijka.
Sida ay xoguhu sheegayaan Joogitaankii Maraykanka ee gobolka ee dagaaladii Ciraaq iyo Afgaanistaan ​​oo gaatray in ka badan 160,000 oo askari oo mareykan ah, waxaa sanadkan la sii xoojiyay tirada sababo la xiriira duulaanka uu mareykanku ku qaaday Iran.
Tirada ciidamadan ayaa sidoo kale loo kordhiyey jawaab celinta weerarrada joogtada ah ee Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadaan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa milatariga ah ee ku sugan badda cas.
Waqtigan Maraykanku waxa uu bariga dhexe ku leeyahay saldhigyo milatari kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 19 goobood oo gobolka ah, hase ahaatee siddeed ka mid ah ayaa loo arkaa inay joogto yihiin: waxana saldhigyada muhiimka ah ay ku kala yaalaan dalalka,,, Baxreyn, Masar, Ciraq, Israel, Urdun, Kuwait, Qatar, Sacuudiga, Imaraadka, iyo suuriya.
Sida laga soo xigtay kooxda cilmi-baarista madaxa-bannaan ee Golaha Xiriirka Dibadda, militariga Mareykanka ayaa sidoo kale ka howlgala saldhigyo waaweyn oo ku yaal Jabuuti iyo Turkiga, kuwaas oo qayb ka ah talisyada kale ee gobolka, kuwaa oo inta badan gacan weyn ka geysta howlgallada Mareykanka ee Bariga Dhexe.
Haddaba Waa Kuwaanaa liiska saldhigyada waaweyn ee Maraykanku ku leeyahay gobolka, kuwaas oo dhamaantood hoos yimaada Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM).
Haddii aynu ku horeyno saldhiga Mareykanka ee Baxreyn, Boqortooyadan yar ee baxreyn waxay hoy u tahay Kooxda Shanaad ee ciidamada Mareykanka, oo mas’uul ka ah ciidamada badda ee Gacanka Faaris, Badda Cas, Badda Carabta, iyo xeebta Bariga Afrika ee koonfurta ilaa Kenya.—-Saldhigan waxaa loo yaqaanaa Hawsha Taageerada Badda ee Baxrayn waxana sidoo kale ku dhex taal xarunta dhexe ee Ciidanka Badda Mareykanka. inta la ogyahay saldhigan ilaa 9,000 oo askari oo Maraykan ah ayaa ku sugan
Sidoo kale Maraakiib dhowr ah oo ay leeyihiin ciidamada badda Mareykanka ayaa saldhigyo ku leh dekedda Baxreyn, kuwaasoo leh biyo qoto dheer oo qaadi kara maraakiibta badda hoosteeda mara, sida USS Carl Vinson iyo kuwa kale ee xambaara diyaaradaha.
Agabka Mareykanka u yaalla baxreyn Waxa kale oo ka mid ah afar markab oo miino-saar iyo laba markab oo bixiya taageero dhanka saadka ah, taas oo ku tuseysa ahmiyada uu saldhigan ku fadhiyo
Dalka Kuwait, Kuwait ayaa ka mid ah dalalka gobolka ee saldhigyada uu ku leeyahay Mareyakanka.,, Waxaa saldhigyadaasi ka mid ah Camp Arifjan, oo ay ku taal xarunta ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ee qaybta CENTCOM.
Xaruntan waxay u adeegtaa sidii xarun hawlgal oo saadka ka taagerta ciidamada Maraykanka ee ku sugan Bariga Dhexe, waxaaana yaalla sahay badan oo lagu taageerayo hawlgallada kala duwan.
Waxa kale oo jira Saldhigga Hawada ee Ali al-Salem, oo ay taal diyaarada 386-Airlift Wing, ” waana xarun weyn oo laga fulin karo daabulidda ciidamada dagaalka si loogu biiriyo ciidamada isbahaysiga ee gobolka,,,, Mareykanka sidoo kale Kuwait waxa u yaalla diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, oo ay ku jiraan MQ-9 .
Saldhigga ciidamada cirka ee Camp Arifjan iyo saldhiga Ali al-Salem oo kaliya, ayey Mareykanka geeyeen 13,500 oo askari, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.
Saldhigga ciidamada cirka ee Al Udeid oo isna ku yaalla Qatar ayaa ah kan ugu weyn gobolka, waxaana saldhig uu u yahay taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee CENTCOM iyo ciidamada cirka.
Al Udeid ayaa gacan weyn ka geystay howlgallada ciidamada Mareykanka ee Ciraaq, Suuriya iyo Afgaanistaan, Ciidanka Cirka ee marekanka guutada 379 ayaa sidoo kale la geeyay halkaas.
Madaxweyne Donald Trump ayaa booqday xeradan 15-kii May intii uu ku guda jiray socdaalkiisa Bariga Dhexe, waxana saldhigan ku sugan Ku dhawaad ​​10,000 oo askari oo Maraykan ah .
Sidoo kale Milateriga Mareykanka ayaa ka howlgala Saldhigga Hawada ee Al Dhafra ee Imaaraadka Carabta, oo ah xarun istiraatiiji ah oo qaabilsan sahminta, xog uruurin islmarkana taageerta howlgallada hawada, Saldhigan ayaa hoy u ah guutada 380-aad ee cirbixiyeenada, waana ciidamado u badan kuwa cirka oo heysta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Ciraaq, Maraykanka ilaa 160,000 oo askari ayaa ka joogay dalka Ciraaq , wuxuuna ku lahaa in ka badan 500 oo saldhig intii uu socday duulaankii lagu riday Saddaam Xuseen, kaas oo jiitamayey sanadihii 2001 ilaa 2003.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa hadda dalkaasi ku sugan 2,500 oo askari oo Maraykan ah, waxaana Washington ay wadahadal kula jirtaa xukuumadda Baqdaad si ay si tartiib-tartiib ah ugala soo baxdo ciidamadaas.
Askartan ayaa qeyb ka ah isbaheysiga caalamiga ah ee dagaalka kula jira kooxda dowladda Islaamiga ah ee Jihaad doonka ah, waxayna inta badan ka howlgalaan labo saldhig oo ciidamada cirka ah, oo kala ah Al Asad iyo Erbil ee gudaha Ciraaq.
Dhanka kale Joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Suuriya ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa dagaalka ka dhanka ah dowladda Islaamiga ah ee ka soo ifbaxday dagaaladii sokeeye ee ka qarxay dalkaasi sanadkii 2011, kuwaa oo ugu dambeyntiina qabsaday qeybo badan oo ka mid ah Suuriya iyo Ciraaq.
Mareykanka ayaa waxaa kaga sugan Suuriya ilaa 2,000 oo askari oo ku sugan xeryo kala duwan oo ku yaala gudaha dalkaasi, waxeyna askarta mareykanka ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee dalkaasi si ay uga hortagaan soo laabashada kooxaha Jihaadiga ah.
Bishii Juun, Washington waxay ku dhawaaqday inay dhimayso tirada saldhigyada millatari ee dalkaasi oo ahaa 8 laguna so reebayo oo kali ah 1-saldhig , waxayna sheegtay inay beddeli doonto siyaasaddeeda, wuxuuna aqalka cad go’aansaday inuu cunoqabateynta ka qaado maamulka cusub ee ay Suuriya yeelatay, kadib guushii la xiriirtay afganbigii Bashaar Al-Asad
Si kastaba Mareykanka oo u cabsanaya saldhigyada uu ku leeyahay bariga dhexe iyo ciidamada ka jooga halkaasi, ayaa waqtigan dalbaday heshiis xabad joojin ah, waxana uu Iran uga fadhiyaa dabacsanaan ah in la sii amba qaado wada hadalada ay garwadeenka ka tahay pakistan, hase ahaatee fashil walba oo wada hadalada ku yimaada iyo sii socoshada dagaalka kama dhigna mid iran keliya khasaare u keenaya balse waxaa culeys kaa la mid ah wajahaya saldhigayada mareykanka ee bariga dhexe iyo dhamaan xarumaha muhiimka u ah dowladdaha khaliijka, kuwaas oo qaarkood wajahay waxyeelo baahsan.
WQ: Ayaanle Qoyste
