Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dhaliilay siyaasadda Maamulka Puntland, isagoo ku eeddeeyey in ay sabab u yihiin heerka uu marayo xiriirka kala dhaxeeya dowladda dhexe.
Xamse ayaa si cad u sheegay, in ay aad u hooseyso waqtigan, kaalinta ay Puntland ka joogto dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo kula taliyey in nidaamka dowlad wanaaga ay ka qaataan door shariifa ah, taas oo sabab u noqon karta in Soomaaliya ay libin ka keento arrimaha deyn cafinta.
RW Xamse Cabdi Barre oo hadalkan ka jeediyey kulan ka dhacay degmada Kaaraan, oo looga hadlayey amniga Muqdisho ayaa soo dhaweeyey sida loo xaqiijiyey amniga magaalada.
RW dalka wuxuu sidoo kale tilmaamay, in muddada ay dowlada jirto la ansixiyey sharciyo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo tiradoodu gaareyso 12 hindise sharciyeed, oo qaarkood gollaha Barlamanka horyaalay waqti aad u badan.
Xamse Cabdi Barre ayaa ugu danbeyntii, soo jeediyey in wada hadal lagu xaliyo dagaalka ka socda Laascaanood, oo uu xusay in laga dhaxlayo dhibaato oo qura.
Si kastaba hadalka RW ayaa ku soo aaddaya, xilli maalmihii ugu danbeeyey uu soo shaac baxayey khilaafka ka dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Maamulka Puntland, oo waqtigan maraya meel aad u xun.