Webiga Shabeelle ayaa xalay ku fatahay xaafada badan oo ku yaalla Magaalada Baledweyne ee bartamaha Soomaaliya.
Fatahaada uu sameeyey webiga ayaa waxaa ka dhashay khasaare aad u fara badan, waxaana xaafado ka tirsan Baladweye buux dhaafiyey biyaha webiga.
Xaafadaha dad ugu badan ay ka barakaceen, waxaa ka mid ah xaafada Xaawo Taako ee Baladweyne, halkaas oo ay ka barakaceen dhamaan dadkii deganaa.
Sida guddiga gurmadka fataahada ee Magaaladaas ay u sheegeen warbaahinta, waxaa weli socda gurmadka loogu jiro in la xakameeyo biyaha webiga, taas oo haddii lagu guuleysan waayo keeni karta in fatahaadu ay saameyso meelo badan.
Guddiga ayaa dowladda iyo Maamulka Hirshabeelle ka codsaday in ay kaalin ka qaataan samata bixinta dadka rayidka ah, kuwaas oo qaarkood wal wal ku nool, maaddaama ay guryahoodio ka soo barakaceen.