Xaflad billaw u ah mashruuca sahminta shidaalka ku jira degaanada Maamulka Somaliland ayaa lagu qabtay Magaalada Hargeysa.
Sida munaasabada laga sheegay toddobaadkan, ayuu maamulku ceelkii ugu horeeyey ee lagu sahminayo shidaalka waxa uu ka qodayaa gobolka Togdheer.
Bilawga Mashruucan qodista ceelka shidaalka ee Toosan-1, ayaa ka tirsan xidhmada 13-aad, waxaana ceelkan sahminta ah laga qodayaa degaanka Xowd oo ka tirsan Gobolka Togdheer.
Maamulka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in sahmintan ay ka soo bixi doonto natiijo wanaagsan, isagoo hoosta ka xariiqay in maxsuulka soo baxa ay la wadaagi doonaan dadka Somaliland ku nool.
Somaliland ayaa arrintan ku tilmaantay fursad ah muhiim tahay in laga faa’iideysto, iyagoo xusay in haddii natiijo fiican ay ka soo baxdo sahminta ay noqoneyso tallaabo guul u ah masuuliyiinta Somaliland iyo shacabka
Sahminta shidaalkan ayaa ku soo aaddaya xilli dowladda Soomaaliyeed iyo maamul goboleedyada aanay ku heshiin habka loo qeybsanayo kheyraadka, isla markaana ay Somaliland weli ku doodeyso in ay tahay dowlad madaxbannaan.