Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa si adag u diiday jawaabtii ay Iiraan ka bixisay qorshe uu Mareykanku ku doonayay in lagu bilaabo wada-hadallo nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka gobolka, iyadoo Trump uu ku tilmaamay jawaabta Tehran mid aan gabi ahaanba la aqbali karin.
Sida ay sheegtay wakaaladda Reuters, xiisadda diblomaasiyadeed ayaa cirka isku sii shareertay xilli laba markab loo oggolaaday inay maraan marin-biyoodka muhiimka ah Hormuz, kaas oo toddobaadyadii la soo dhaafay wajahaya xanibaado iyo culeys amni.
Wararka ayaa sheegaya in Iran ay dalbatay in marka hore la joojiyo colaadaha, la qaado cunaqabateynta, islamarkaana dib loo furo dhoofinta saliidda, halka maamulka Trump uu ku adkeysanayo in arrimaha la xiriira barnaamijka nukliyeerka Iiraan iyo ammaanka gobolka ay qeyb ka noqdaan heshiis kasta oo la gaaro.
Diidmada cusub ee Trump ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo mustaqbalka wada-hadallada iyo saameynta ay arrintani ku yeelan karto suuqyada tamarta caalamka.
