Waxaa xabsiga la dhigay Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan, sababo la xiriira masuq maasuq lagu eeddeeyey intii uu xafiiska joogay.
Ra’iisul Wasaaraha oo xilka ka dagay sanadkii aynu ka soo gudubnay, ayaa muddooyinkii ugu danbeeyey la kulmayey dacwado kala duwan, oo uga imanaya Dowladda iminka Xafiiska Joogta.
Imran Khan ayaa ka soo muuqday Maxkamad ku taalla Islamabad, iyadoo muuqaallo lagu daabacay baraha bulshada ay muujinayeen, isagoo ay wadaan ciidamada qalabka sida ee Pakistan.
Bishii November ee sanadkii aynu ka soo gudubnay ayey ahayd markii la dhaawacay Imran Khan, kadib rasaas lagu furay gaari uu saarnaa oo marayey bariga dalka Pakistan.
Imran Khan oo ah 70 sano jir, ayaa u hanqal taagaya inuu qabto talada dalkaasi, isagoo dhowr jeer ku baaqay in la qabto doorasho waqtigeeda ka soo hormarta, waana sababaha rasmiga ee keenaya inuu bartilmaameed u noqdo dowladda iminka xukunka heysa.