Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay inay doorashooyinka qof iyo cod ka qaban doonaan Soomaaliland iyo Puntland, sida uu sheegay guddoomiyaha guddigaas Cabdikariin Axmed Xasan.
Waxa uu sheegay inay deegaannadaas gaarsiin doonaan doorasho la mid ah middii laga hirgeliyay Koonfur Galbeed, inkastoo labada maamul ay si cad uga soo horjeedaan siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in guusha laga gaaray doorashadii Koonfur Galbeed ay dhiirrigelisay in dalkoo dhan laga gaarsiiyo doorasho qof iy ocod, isagoo yiri: “Somaliland iyo Puntland waxaan ka qabaneynaa doorasho qof iyo cod ah, marba haddii aan maanta doorasho ka qabanay Koonfur Galbeed oo ay Shabaab aafeeyeen.”
Si kastaba ha ahaatee, labadan maamul ayaa hadda ka aragti duwan Dowladda Federaalka marka ay timaaddo jihada siyaasadeed ee dalka, arrintaas oo su’aal weyn gelinaysa sida uu dhab ahaan u hirgeli karo qorshaha guddiga doorashooyinku ay ku dhawaaqeen.
