Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay xuska maalinta cudurka HIV- AIDS oo sanad waliba Dunida laga xuso 1-December, waxaana munaasabada ka soo qeyb galay dadka la nool xanuunka iyo qaar ka tirsan bahda Caafimaadka.
Munaasabada oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen guddiga ka hortaga xanuunka AIDS-ka ee Soomaaliya, maamulka gobolka banaadir iyo ururka Somali wehel Network oo ah shabakad mideysa dadka qaba xanuunkan, ayaa looga hadlay halista cudurkan iyo dhibaatooyinka kala duwan ee ay ehelka u yihiin dadka la il daran.
Gudoomiyaha Somali Wehel Network Shaafici Sayid Aba-Cali ayaa ugu horeyn ka warbixisay ahmiyada xuska maalinta, isagoo sheegay in jiraan dad si qarsoodi ah u qaata dawada xanuunka dilaaga ah, sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan faquuq ” Waa maalin ku weyn dadka la nool Xanuunka HIV AIDS, waxaana jira dad badan oo daawada si qarsoodi ah u qaata iyagoo ka baqaya faquuq iyo in bulshadu ogaato”
Sidoo kale Madaxa xanuunada TB-da iyo HIV-ga ee waaxda Caafimaadka Gobolka Banaadir Cabdulaahi Maxamed Cali Duqow ayaa ka waramay sida maamulka gobolka uu uga warqabo dadka la nool xanuunka HIV AIDS, wuxuuna shaaciyey in ay si dhaw ula socdaan dadka qaba xanuunkan, oo badankood sida uu sheegay ay siiyaan daryeel caafimaad.
Ugu danbeyntii Gudoomiyaha guddiga ka hortaga xanuunka HIV AIDS Maxamed Axmed Jimcaalle ayaa tilmaamay in dadka xanuunka la nool ay dhan yihiin 8 kun iyo boqol qof oo isugu jira caruur iyo dad waa weyn, wuxuuna xusay in dadkaasi ay qabaan dhibaatooyin kala duwan oo bulshada uga imaanaya.
Gudaha Soomaaliya dadka la nool xanuunka HIV ADIS-ka ayaa qaabilaya waaya adag, waxaana ay yihiin kuwa ay ku adag tahay in ay bulshada ku dhex noolaadaan sababo la xiriira bulshada oo cabsi ka muujineysaa taas oo lagu micneeyey in ay soo de dejisay wacyigalinta oo aad u hooseysa, waxaana xusid mudan in hal kudhiga sanadkan uu ahaa ka gudbidda caqabadaha iyo habeynta jawaabaha Aydhiska.

