Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in 15-ka bishan May uu dhaqan galayo amarkii maamulka gobolka Banaadir ee la xiriiray in Bajaajyada lagu qoro sumadaha A iyo B
Maamulka ayaa sheegay in Darawalkii waqtigaasi Bajaajtiisa ku sumadeyn waayo, lala tiigsanayo sharciga, isagoo ku wargaliyey in ay howshaasi ku dhaqaaqaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Maamulka ayaa ka gaabsaday, su’aal la xiriirtay in canshuur dhimis la sameyn doono, maaddaama darawalada bajaajyada midkiiba uu shaqeyn doono 15- maalin bishii, halka markii hore ay shaqeyn jireen 30-ka cisho ee bisha oo dhan.
Arrinta midabeynta bajaajyada ayaa walaac ku abuurtay dhallinyarada ku shaqeysata mootada 3- lug leh, waxaana badankood ay soo jeedinayaan in canshuur dhimis loo sameeyo, maaddaama la koobay maalmihii ay shaqeyn jireen.
Darawalada bajaajta ayaa ku baaqaya sidoo kale in laga sameeyo wadooyinka bur bursan ee Caasimadda iyo in loo furo kuwa xiran, taas oo ay ku tilmaameen arrin curyaamisay isku socodka magaalada Muqdisho.