Filinka Arday oo ah taxane ka sheekeynaya waayaha ay qaabilaan Ardayda wax ku baraneysa gudaha dalka, ayaa waqtigan la kulmaya dhaleeceyn aad u balaaran
Filinka taxanaha ee Arday oo qeybtiisii labaad la baahiyey, 27-kii April ee bishii aynu ka soo gudubnay, ayaa waxaa ka soo horjeestay inta badan bahda Waxbarashada iyo Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, iyagoo ku dhaliilay in filinkan ay ku jiraan waxyaabo anshaxa Ardaynimo ka baxsan, isla markaana lidi ku ah diinteena suuban.
Muuq baahiyaha Bile TV oo filinkan soo saaray, ayaa dhagaha ka fureystay diidmada bahda Waxbarashada iyo Culumaa’udiinka, isagoo Seddex cisho ka hor baahiyey qeybtii labaad ee taxanaha, xilli dhaliilo kala duwan loo jeedinayo.
Dhaliisha bahda Waxbarashada iyo Culumaa’udiinka ee Filinkan, ayaa abuurtay hadal heyn fara badan, oo dhanka baraha bulshada ah, waxaana taasi ay keentay in Filinku uu helo daawadayaashii ugu badnaa marka loo bar bar dhigo filimaanta taxanaha ah ee ay Soomaalidu sameyso.
Marka laga soo tago dhaliisha ay bahda Waxbarashada Filinkan u jeediyeen, waxaa jira qeybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo la dhacsan sheekada Filinka, hab duubista, iyo qaabka farshaxanka leh ee loo jilayo.
Si kastaba, Filinkan oo qeybtiisii labaad la daawaday, si dhab ah uma muujinayo waxyaabihii ay ka digayeen bahda Waxbarshada, oo dadka qaar ay aaminsan yihiin in ay hoosta ka soo riixayaan Taleefashino kale oo tartan kula jira midka hadda baahinaya sheekada Filinkaan.