Shirkii xoghayeyaasha guud ee Baarlamaannadda Afrika oo ka dhacay intii u dhexeysay 29 – 31 Ogoosto ee xarunta Baarlamaanka Afrika ee magalada Johannesburg ayaa waxaa xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux, loogu doortey xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ururka Xoghayeyaasha Afrika.
Xubin ka mid noqoshada golaha fulinta ee Baarlamaanka Afrika ayaa noqaneeysa markii ugu horeysey ee Soomaaliya xilkaas loo doorto.
Doorashadaan ayaa ku soo aaday, iyadoo la soo gaba-gabeeyey shirweynihii 11-aad ee Baarlamaanada Qaaradda Afrika, oo uu ka qeyb galay Guddoomiyaha Goloha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.
Shirka oo intiisa badan diirada lagu saarayay xoojinta iskaashi buuxa oo dhexmara dowladaha ku bohoobay golaha, ayaa dhanka kale waxaa si weyn looga hadlay isbedelka cimilada iyo sidii ay Afrika uga tashan laheyd cunno yarida dunida soo wajahdey ee uu sababay dagaalka Ruushka iyo Ukrain.
Maxamed Xuseen, Muqdisho