Wararka ka imaanaya degmada Buurhakaba ee goboloka Baay ayaa sheegaya in xiisad dagaal oo u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed ay ka taagan tahay degmadaasi.
Xiisadan dagaal ee u dhexeysa labada Maleeshiyo Beeleed ayaa soo taagneyd muddo badan iyadoo wax garadka iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda degamada Buurhakaba ee gobolka Baay ay baaq ka soo saareen xiisada halkaas ya taagan.
Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda degmada Buurhakaba ee gobolka baay oo soo saaray baaq nabadeed oo uu ku qoray bartiisa facebook, waxana uu u qornaa sidaan:
Waxaan baaq nabadeed udiraayaa dadka walaalaha ah ee kudagaalamayo Degmada Buurhakaba. Runtii waa arin nasiib darro weyn ah in mudo kabadan 3 bilood ay labadaas beelood walaalaha ah isku hor fadhiyaan degmadaasi oo maalin kastana Shacabkii ehelkooda ahaa korkooda isku heystaan.
Waxaan ugu baaqaayaa Siyaasiyiinta kasoo jeeda degmadaasi oo lawada ogyahay qaarkood in ay hurinta colaada qayb kayihiin iney ilaahey uga baqaan dhiigga Muslimka ee daadanaaya ayna u turaan dadkaas ehelada ah inay isku baaba’aan.
Sidoo kale waxaan ku baaqaayaa in uu Maamulka KG iyo Ciidanka ATMIS arintaan degdeg usoo fara geliyaan oo wax laga qabto si xal waara loo gaaro.