Waxaa muddo 4 bilood ka badan jiitamaya dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo xoogaga SSC, kaas oo ka socda duleedka Laascaanood, gaar ahaan aagga Goojacade loo yaqaano.
Marar kala duwan waxaa guuldareysatay waan waan colaada lagu hakin rabay, sababo la xiriira labada dhinac oo diidan inuu midba midka kale u tanaasulu.
Somaliland wey ka biyo diiday, in ay dhaqaaqdo, iyadoo ay maqan yihiin Laascaanood iyo dhamaan degaanada SCC, Halka garaadada horboodaya bulshada SSC-na ay ka hor yimaadeen ka sii mid ahaanshaha Somaliland.
Dagaalka ayaa weli socda, waxaana kordhaya khasaaraha ka dhalanaya, iyadoo dhawaan Muqdisho ay soo gaareen gaaradada majaraha u haya dagaalka Laascaanood, kuwaa oo sida xoguhu sheegayaan taageero u raadinaya dagaalka kala dhaxeeya Somaliland.
Sida ay qabaan waxgaradka badankiisa, baajinta dhiiga daadanaya iyo nabad ku soo dabaalida dhinacyada dagaallamaya ayaa qaadan karta muddo fog, ilaa dhinacyada ay muujiyaan tanaasul.
Doorka ugu weyn ee xalinta xaaladda ka ooggan laascaanood, ayaa sida la sheegayo waxaa qaadan kara, salaadiinta iyo cuqaasha, labada dhinac ee uu dagaalku u dhaxeeyo.
Waxgaradka ayaa sidoo kale ku talinaya in culumada laga qeyb galiyo joojinta dhiiga daadanaya, taas oo waji cusub oo in la wada fariisto ah horseedi karta.
Beesha Caalamka ayaa iyadun kaalin weyn ka qaadan karta hakinta guud ahaan colaada ka oogan duleedka Laascaanood, maaddaama Somaliland ay aad ugu dhaga nugushay dowladaha caalamka, gaar ahaan saaxiibada Soomaaliya.