Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa la daala dhacaya dhibaatooyin xooggan, waxayna culeys kala kulmayaan la macaamilka bulshada iyo isticmaalka wadooyinka magaalada Muqdisho.
Soomaaliya ayaa lagu xisaabiyaa mid ka mid ah dalalka ugu naafada badan adduunka, sababo la xiriira colaadaha daba dheeraaday ee ka jir, waxaana naafadu ay yihiin kuwa maalinba maalinta ka danbeysa sii kordhaya, maadaama ay dalka ka dhacayaan falal amni darro oo kala duwan.
Kororka tiradooda iyo daruufta gaarka ay qabaan ayaa ah mid aysan ku baraarugsaneyn Soomaalida, waxana taa badalkeeda ay la kulmaan weedho guracan, taasoo ku riixeysa in ay quus ka istaagaan la dhaqanka bulshada caadiga.
Tiro yar oo Soomaali ah ayaa fahansan qiimaha iyo ixtiraamka ay mudan yihiin dadka naafada ah, waxaana kuwaasi ay qirayaan in dadkan baahida gaarka ah qaba ay ku adag tahay booqashada hotelada iyo shirkadaha ganacsi ee waa weyn kuwaasoo aan lahayn meelo loogu tala galay in dhismahooda ay ka galaan gawaarida ay wataan dadka adimada hoose curyaanka ka ah.
Naafada ayaa sidoo kale wajahaya caqabad dhanka isticmaalka wadooyinka, waxana halis gasha noloshooda,maadaama gawaarida ay yihiin kuwa si xowli ah u socda oo aanan hakaneyn ilaa intuu qofka nugul wadada ka jarayo.
Soomaalida baahiyaha gaarka ah qaba ayaa sidoo kale ah kuwa aanan heysan adeeg caafimaad ama mid waxbarasho oo bilaash ah, waana dad ay ku adag tahay in ay bulshada soo dhex galaan maadaama ay ka dhaxlayaan badankooda faquuq iyo erayo aan qalbigooda u wanaagsaneyn,kuwaasoo xaaladooda sii murjinaya.
Ugu danbeyntii dhacdooyinka amni darro siiba qaraxyada ka dhaca Muqdisho oo galaafta nolosha dad badan, ayaa misana xaalad naafanimo bada dad uu lixaadkoodu dhamaa, kadib markuu xubnahooda kala dhantaalaan firirada ka dhasha qaraxyadaasi, mana jirto dawlad ama hay’addo si gaar ah u taageera dadka baahiyaha gaarka qaba.