Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Weriye Ciise Faarax Maxamed oo ka tirsanaa rugcaddaayaasha saxaafada Soomaaliya.
Weriyaha ayaa muddooyinkii ugu danbeeyey la jiifay xanuun, kaas oo uu ugu danbeyn ugu geeriyooday hoygiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Ciise Faarax Maxamed, ayaa muddo dheer ka howl galayey Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya, gaar ahaan Wakaaladda Wararka ee SONNA, isagoo qeyb ka ahaa qoraayaasha loogu jecel yahay
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Daa’uud Aweys ayaa ka mid ah masuuliyiinta ka tacsiyeeyey geerida Marxuumka, wuxuuna ammaanay doorkii uu ku lahaa warbaahinta Soomaaliya oo muddo dheer ku dhex jiray.
Wasiirka ayaa xusay in Ciise Faarax uu ka mid ahaa tiirarka Wargeyska afka dowladda ku hadla iyo Wakaallada Wararka ee SONA, wuxuuna qiray inuu kaalin weyn ka soo qaatay horumarinta saxaafada dalka
Ugu danbeyntii Weriyayaasha magaalada Muqdisho ayaa u tacsiyeeyey qoyskii uu ka geeriyooday weriye Ciise Faarax Maxamed, iyagoo ilaahey uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo