Weli waxaa socda dagaalka u dhaxeeya Kooxda Islaamiyiinta ee Xamaas iyo dowladda Israa’iil, waxana Tirada dhimashada weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil uu kor u dhaafay lix boqol oo qof.
Weerarkan ayaa noqday taariikhda Israa’iil weerarkii u horreeyey ee hal maalin ah ee ay ku dhintaan tira intaas la eg, iyadoo weli xaaladdu ay cakiran tahay.
Dhinaca kale Israa’iil oo qaaday weerar aargoosi ah ayaa dishay Dad ka badan saddex boqol oo qof, kadib duqeyn culus oo ay ka fulisay Gaza.
Israa’iil ayaa sheegtay in la qafaashay in ka badan boqol ruux oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo loo qaaday dhanka Gaza, waxaana dadkaasi ka mid ah dad waayeel ah oo ay ku jirto haweeneey 85-jir ah.
Xamaas ayaa ku dhawaaqday in ay guullo milatari ka soo hoyeen weerarkii ay ku qaadeen Israa’iil, sida uu sheegay Abuu Cubeyda oo ah afhayeenka guutada Al Qasaam oo ah garabka milatari ee Xamaas.
Wuxuu carabka ku dhuftay Abuu Cubeyda, in Xamaas ay u dagaallameyso si naf hurnimo leh, iyagoo qaaday weeraro dhowr jiho ah, si ay Israa’iiliyiinta u wiiqaan.
Abuu Cubeyda ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in Xamaas ay weerar duqeymo ah ka fulisay Tel aviv habeenimadii sabtidii ilaa subaxnimadii axada, isagoo xusay in duqeymahaasi ay khasaare ku gaarsiiyeen Israa’iiil.
Israa’iil ayaa iyaduna sii wada duqeymaha ay ku heyso Gaza, halkaas oo ay ku dhinteen boqolaal Falastiiniyiin ah, waxeyna ka dhawaajisay Israa’iil in ay maxaabiis ahaan u qabteen tobanaan ka tirsan Xamaas, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Weerarkii Xamaas ayaa fajac iyo la yaab ku abuuray Israa’iil, waxaana saraakiil hore uga tirsanaa ciidamada Israa’iil ay cod dheer ku sheegeen inuu fashil ku yimid hannaanka sirdoon ee dalkooda, kadib weerarkii Xamaas ee kadiska ahaa.
Dunida Islaamka badankood ayaa la saftay Falastiiniiyiinta, waxeyna Israa’iil ugu baaqeen in ay joojiso duqeymo ay la beegsaneyso Gaza, taas oo ay ka dhalanayaan waxyeelo soo gaarta rayidka Falastiiniyiinta ah.