Waxaa weli socda colaada u dhaxeysa Xamaas iyo Isaraa’iil, waxaana Israa’iil ay wadaa duqeymaha ay la beegsaneyso Gaza, taas oo ay waxyeelo ka soo gaareyso Falastiiniyiinta.
Xarumaha caafimaadka Falastiin ayaa waxaa buux dhaafiyey dad qaba dhaawacyo kala duwan, kuwaas oo ay ku jiraan caruur, haween iyo dad waayeel ah.
Ra’iisulWasaaraha Isra’iil ayaa ku hanjabay inuu bur burin doono ururka Xamaas, waxaana Israa’iil ay ciidamadeeda soo dhoobtay xuduuda Gaza.
Sidoo kale waxaa shalay Israa’iil gaaray Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken, kaas oo safar ku soo maray lix waddan oo ay ku jiraan Sucuudiga iyo Masar.
Dunida Islaamka badankeed ayaa canbaareysay duqeymaha joogtada ah ee ay Israa’iil ku garaaceyso dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta, halka Israa’iil ay iska dhaga tireyso baaqyada ay u jeedinayaan dowladdaha Islaamka ah.
Inta badan dunida Islaamka waxaa sidoo kale ka dhacay dibadbaxyo xooggan oo looga soo horjeeday Israa’iil, taas oo xasuuq joogta ah ku heysa dadka reer Falastiin.