Gollaha wadatashiga qaran ayaa go’aanadoodii kadib taageero mug leh ka helay wakiilo ka socday dalalka Qatar, Imaaraatka carabta, Turkiga, Britain iyo Mareykanka.
Wakiilada Dowladdahan ayaa soo dhaweeyey, hannaanka doorashada ee ay ku heshiiyeen gollaha wadatashiga qaran, kaas oo ay ku tilmaameen mid wax badan ka baddelaya xaaladda Soomaaliya.
Wakiilada dalalkan, ayaa codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo hirgaliyo qodobadii lagu heshiiyey, waxeyna si cad u bogaadiyee in talada lagu celiyo shacabka Soomaaliyeed.
Wakiilada dalalka oo toddobaadka shir ku leh magaalada Dooha ee dalka Qatar, ayaa sidoo kale soo hadal qaaday xaaladda colaadeed ee ka oogan magaalada Laascaanood, waxeyna ku taliyeen in xiisada taagan lagu xaliyo wada hadal.
Dalalka Qatar, Imaaraatka carabta, Turkiga, Britain iyo Mareykanka, ayaa shirkooda uga arrinsanaya xaaladda Soomaaliya, iyagoo caalamka ka dalbay taageero maaliyaadeed, taas oo wax looga qabanayo arrimaha amniga iyo abaaraha ka jira Soomaaliya.