Dalka Sudan ayaa ceyriyey ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalkaasi, Volker Perthes, kadib markii ay ku eedeeyeen fara-gelin la xiriirta dagaalka dalkaasi ka socda.
Sudan ayaa ku dhawaaqday in Volker Perthes ay kala laabteen xasaanadii siyaasadeed ee joogitaanka dalkaasi, taas oo ka dhigan in aan looga baahneyn dalkaasi, marxalada dagaal ku jira.
General Cabdulfataax al-Burhan Madaxa ciidamada qalabka sida ee Suudaan, ayaa dhawaan ku eedeeyey Volker Perthes in dab ku sii shidayo colaada ka oogan Sudan.
Dhanka kale Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dabayaaqadii bishii hore sheegay in uu “ka naxay” warqadda ka soo baxday taliyaha ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan, taas oo Perthes loogu eedeynayo inuu sii hurinayo dagaalka u dhaxeeya ciidanka iyo RSF-ta uu hoggaamiyo taliye Mohamed Hamdan “Hemedti” Dagalo.
Howlgalka Qaramada Midoobay ay ka wado dalka Sudan, ayaa inta uusan billaaban dagaalka ka socda dalkasi, waxa uu la kulmay mudaharaadyo lagu diidan yahay.
Iminka shaqaalaha howlgalka Qaramada Midoobay ee dalkaasi, waxey badankoodu ku sugan yihiin magaalada dekedda leh ee Port Sudan, halkaas oo loo daad-gureeyey markii uu qarxay dagaalka Sudan bartamihii bishii April ee sanadkan.
Ergayga ay Sudan cerisay ayaa khamiistii ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasi oo uu ka socday wadahadallo diblomaasiyadeed oo xiriir ah, sida lagu sheegay bogga Twitter-ka ee howlgalka Qaramada Midoobay.
Xaaladda dalka Sudan ayaa maalinba maalinta ka danbeysay ka sii dareysa waxaana weli dalka ka socda dagaalkii billawday 15- bishii April ee sanadkan, kaas oo uu ka dhashay khasaare baaxad leh dad badana ay ku barakaceen.
WQ: Ayaanle Qoyste