(Hortabin Media) – Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno gobolka Gedo, waxaa maanta la dilay Ibraahim Hilowle Xuseen oo ahaa taliyihii nabad sugida degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxaana dilka u geysatay xaaskiisa.
Taliyaha ayaa dhawaan aroosay xaaska dishay, waxeyna dilkiisa u adeegsatay bistoolad uu isagu lahaa.
Laamaha amniga Doolow ayaa tagay halka uu falku ka dhacay oo ahayd Hotel, waxaanay xabsiga u taxaabeen haweeneydii falka ka danbeysay, oo sida ay sheegeen xilligaasi gacanta ku heysay bistooladii ay dilka ku fulisay.
Laamaha amniga Doolow, ayaa sheegay in haweeneydan ay uga shakiyeen in ay ka tirsan tahay Al Shabaab, oo ay dabin u dhigtay Taliyaha, isla markaana qaarajisay.
Si kastaba waxey laamaha amnigu tilmaameen, in ay wadaan baaritaan la xiriira waxyaabaha keenay in haweeneydan ay disho sayigeedii.
WQ: Ayaanle Qoyste