Isniintii aynu ka soo gudubnay waxaa gacanta lagu soo dhigay eedeysane Siid-Cali Macallin Daa’uud, kaas oo xaaskiisa Luul Sheekh Cabdicasiis ku gubay degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir.
Ninkan ayaa xaaskiisa u gubay khilaaf dhanka qoyska ah oo soo kala dhex galay, waxaana haweeneyda la gubay ay lahayd uur lix bilood ah, taas oo dareen murugo leh ku abuurtay bulshada Soomaalida.
Ninkan oo tan iyo 26-kii January baxsad ahaa, ayey soo qabashadiisu dhalisay hadal heyn badan, waxaana si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ay Soomaalidu ku xariirto, maaddaama falka uu ku kacay uu damqay shacab fara badan.
Ehelada Marxuum Luul, oo warbaahinta ka hadlay ayaa soo dhaweeyey in gacanta lagu soo dhigo eedeysanaha, waxeyna dowladda ka codsadeen in caddaalada la mariyo.
Arrinta kale ee taagan ayaa ah in weli aan la aasin marxuum Luul, taas oo meydkeedu uu ku jiro Faranjiyeer, waxana eheladeeda ay sheegeen in lala duugi doono eedeysanaha.
Arrintan ayaa ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee mudooyinkii ugu danbeeyey ku soo kordhayey bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo dhamaantood dhambaalo murugo leh xanbaarsan.