Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan dalka Isutaga Imaaraatka Carab ayaa ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’addaha Maaliyadda dalalka Carabta, Qeybta Horumarinta Dhaqaalaha meertadiisii 8-aad oo lagu qabanayo magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan Biixi Imaan Cige oo furitaankii shirka ka jeediyay qudbad kooban ayaa la wadaagay Hey’adaha Maaliyadda Carabta, Wasiirada Maaliyadda Dalalka Carbeed iyo Madaxda IMF arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay qorshihii Deyn Cafinta ee soo gaba gaboobay dhammaadka sanaddii tagtay.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Bixii Imaan ayaa xusay caqabadaha iyo samaynta dhanka dhaqaalaha ay ku yeelatay arrinta ka taagan Badda Cas oo bilihii u dambeeyay marakiibta isaga kala goosha ay  weerar kala kulmeen.
Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa qudbad ka jeedisay Kristalina Georgieva oo ah Madaxa Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, waxa ay dalalka carbeed ugu baaqday in ay abuuraan fursado dhaqaale oo lagu xoojinayo hannaanka ka soo kabashada aafooyinka, iyada oo fursado looga dhigayo bulshooyinka soo koraya.
	TRENDING
	
				- Qormo: Dhulboobka Muqdisho iyo tacadiyada loo geysanyo rayidka
- Ruushka oo dhaq-dhaqaaqyo xoogan uga jawaabay caddaadisa dhaqaalle ee uga imanaya Yurub
- Ruushka iyo Venezuela oo heshiis iskaashi kala saxiixday
- Xaaladda guud ee siyaasadda Gaza iyo Israa’ii oo weli fulineysa duqeymo
- Khasaare xoogan oo ka dhashay dagaallada ka socda Waqooyiga gobolka Darfur ee Sudan
- Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo lagu arkay xeebaha Venezuela
- Duqeymaha ay diyaaradaha shisheeye ka fuliyaan Soomaaliya oo waxyeelo badan gaarsiiyey rayid
- Canbaareynta ONLF ee Xarig jarka Mashruuca Gaaska Dabiiciga ah dagaal cusub ma horseedi kartaa?

