Shacabka Magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo, ayaa ka warbixiyey aragtidooda ku aaddan, maamulka uu Madaxweynaha Juballand u soo magacaabay gobolka Gedo.
Qeybaha bulshada ayaa shaaciyey in ay si cad uga soo horjeedaan maamulkaasi, oo gudoomiye looga dhigay Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir).
Dadka Garbahaareey waxey sheegeen, in maamulka Jubaland uu gabood-falo ka geystay gudaha Gedo, isla markaana aanay aqbaleynin in maamulkaasi uu ka shaqeeyo deegaanada gobolka.
Waxey si cad u sheegeen, in ay dagaal la galayaan cid kasta oo isku deyda in maamulkaasi uu ka shaqeeyo Gedo, waxeyna dhaleeceeyeen tallaabooyinka uu qaadayo Madaxweynaha Jubaland oo sheegeen inuu iska hor-keenayo shacabka Gedo.
Hadalkooda ayaa ku soo aaddaya, xilli hoggaanka Jubaland, Axmed Madoobe, lagu wado inuu Gedo tago, isagoo sheegay kal hore in khilaafka uu ku xalinayo wada hadal.