Dabley hubeysan ayaa xalay 3-qof oo rayid ah ku dilay inta u dhaxeysa degaanada Huurshe iyo Hog-dugaag oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Dadka la dilay ayaa dhamaantood ahaa xoolo dhaqato, waxaana dilkooda uu salka ku hayaa aanno qabiil.
Ragga la dilay ayaa ka soo jeeda Degmada Cadaado, halka kuwa dilayna ay ka soo jeedaan Gobolka Cabudwaaq ee isla Gobolka Galgaduud oo uu ka arrimiyo Maamulka Galmudug.
Dableydii dilka geysatay ayaa gacanta lagu dhigay, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Gudoomiyaha degmada Cabudwaaq Abdirahman Gacaltooyo, oo sheegay in eedeysanayaasha caddaalada la hor keeni doono.
Dilalka inta badan ka dhaca Gobollada Dhexe ayaa salka ku haya aannooyin qabiil, taas oo maamulladii soo maray deggaanadaasi ay ku guul dareysteen xalintooda..