Wararka ka imaanaya xadka gobolada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan ayaa sheegaya in duqaymo culus ay halkaas ka dheceen.
Diyaarado ayaa la sheegay in ay duqaymo Culus ay ka geysteen degaanka Fiidow taas oo ay ka dhasheen khasaare Culus.
Wararka ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqaymo la beegsedeen xubno ka tirsan Alshabaab oo degaankaas ku sugnaa.
In ka badan 10 xubnood oo ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay in Duqaynta ay ku geeriyoodeen sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka eek u sugan gobolka shabeelada Dhexe .
Dhinaca kale, degaanka Diinlaawe oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Mahdaay ee gobolka shabeelada Dhexe ayaa sheegaya uu ka dhacay weerar sababay khasaare dhimsho iyo dhaawacba leh.
Xubno ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay in ay weerareen Degaanka Diinlaawe balse Ciidamada degaanka ay iska difaaceen weerarkaas waxaana ka dhashay Dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Xubnihii weerarka geystay iyo Ciidamada Degaabka sida ay dadka ku dhaqan degaanskaas ay warbaahinta Risaala u xaqiijiyeen .