Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa, ayaa shaaca ka qaaday in ay wado qorshe ay ku hagaajineyso dhoofinta xoolaha Soomaaliya.
Wasaarada ayaa xustay in ay wadaan qorshe ay ku soo xiro galinayaan suuqyo cusub, kuwaas oo loo dhoofinayo xoolaha nool ee Soomaaliya.
Suuqan cusub ayaa soo kordhin doona in sanadkii dalka laga dhoofiyo xoolo fara badan, waxana dalalka arrimaha lagala xaajoonayo ay u badan yihiin kuwo islaam ah.
Xoolaha ayaa ka mid ah kheyraadka ay qaniga ku tahay Soomaaliya, waana il dhaqaalle oo laga gaabiyey in horumar lagu sameeyo sanadihii la soo dhaafay.
Waqtigan lagu jiro ee Bisha Carafo aya ah marka ugu badan ee la dhoofiyo xoolaha Soomaaliya, kuwaas oo loo iib geeyo dunida Islaamka, si ay Udxiya ahaan uga dhigtaan.