Qaramada Midoobay ayaa dhinacyada ku dagaallamaya dalka Sudan ugu baaqday in ay dhaqan galiyaan Xabad-joojin deg deg ah, sida uu ka dhawaajiyey Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.
Guterres ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la isku raaco xabad joojin hirgasha, maddaama sida uu xusay la galayo bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo hadalkan ka jeediyey shir ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesheen arrinta Sudan, ayaa cabsi ka muujiyey in colaada Sudan ay sababto xaalad bani’aadminimo oo khatar ah.
Guterres ayaa carabka ku dhuftay in dagaalka Sudan uu wiiqay midnimadii dalkaasi, wuxuuna hoosta ka xariiqay in la joogo waqtigii ay hubka dhigi lahaayeen Janaraalada ku dagaallamay Sudan.
Tan iyo bishii April ee sanadkii hore ayuu socdaa dagaalka Sudan, waxaana dagaalkaasi uu billawday markii ay isku dhaceen Taliyaha ciidamada Sudan, General Abdel Fattah Burhan iyo Mohamed Hamdan Dagalo oo isna maamula ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RFS, waxaana ilaa xilligaasi ay colaadu noqotay mid daba dheeraata, isla markaana geysata dhibaatooyin kala duwan.