Dowladda Qatar ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in heshiis xabad joojin ah uu ka hirgalo Gaza, sida uu shaaciyey Af-hayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Qatar
Afhayeenka oo lagu magacaabo Majed Al-Ansari ayaa sidoo kale rajo taasi la mid ah ka muujiyey, in la sii daayo la-haystayaal dheeri ah, oo ay kala heystaan Israa’iil iyo Xamaas.
Hadalkan ayuu ka sheegay wada hadalada ka socda magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo ay ku sugan yihiim wafuud kala duwan.
Wufuudda ka qayb gelaya wada-hadaladan waxaa ka mida taliyaha sirdoonka ee Israa’iil David Barnea. Hase ahaatee afhayeenka wasaaradda arrimaha debedda ayaa sheegaya inay tahay xilli hore in lagu dhawaaqo in heshiis la gaadhay.
Xabad joojintan ayaa la filayo ayaa socon doonta muddo lix toddobaad ah, waa haddii dhinacyadu isku raacaan heshiiska xabad joojinta ee iminka rajada laga muujinayo,
Heshiiskan ayaa oggolaanaya in gargaar bani’aadminimo oo dheeri ah la gaarsiiyo Gaza, maaddaama uu dagaalku socdo muddo lix bilood oo xiriir ah.
Dhowr jeer oo hore ayaa lagu guul dareystay in ay hirgasho xabad joojin, waxaana la hubin in dadaaladan ay noqon karaan kuwo hirgala oo keena in ay dhaqan gasho xabad joojinta.