Qarax gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay magaalada Jowhar oo xarun u ah maamulka Hirshabelle.
Qaraxan waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan ATMIS, welina ma cadda khasaaraha soo gaaray ciidamadaasi.
Qaraxa ahaa ahaa miinada dhulka lagu aaso wuxuuna si gaar ah uga dhacay xaafada Horseed ee magaalada Jowhar.
Qaraxan ayaa muujinaya amni darada ballaaran ee mudooyinkii ugu danbeeyey ku sii kordheysay degaanada Hirshabelle, halkaas oo sidoo kalana ay ka taagan tahay xiisado kala duwan.