Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay madaxweyne ku xigeenka Midoowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Josep Borrell.
Kulanka oo looga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin xaslinta dalka, dib u dhiska ciidamada, abaaraha, ka hortaga macluusha, xoreynta deegaannada ay dadka Soomaaliyeed ku dhibaateynayaan argagixisada alshabaab iyo hirgelinta Soomaali heshiis ah, kana gudubta xaaladaha cakarin ee ka jira dalka ayuu madaxweyne Xasan Sheekh dhanka kale tilmaamay in Soomaaliya ay u baahan tahay in lagu garab istaago qorshayaasha horumarineed ee iskaashiga dhanka dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale si gaar ah uga codsaday Midowga Yurub in ay gacan xooggan ka geystaan ka hortagga xaalufinta deegaanka, hubka sharci darrada iyo jariifka badda Soomaaliyeed, iyadoo dib loo dardar gelinayo dhismaha Ciidamada Badda, si dowladdu ay u xakameyso xuduudaha badeed ee Soomaaliya.
Josep Borrell ayaa dhankiisa ku bogaadiyey madaxweynaha iyo xukuumadda sida ay uga go’an tahay xal u helidda caqabadaha ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan abaaraha iyo amni darrada, waxaana uu ballan qaaday in Midowga Yurub ay kaalin weyn ka qaadan taabagelinta qorshayaasha mudnaanta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Maxamed Xuseen, Muqdisho