Durba Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi Kumeel gaar ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka kaasoo u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururrada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha.
Guddigan oo ka kooban 15 xubnood oo isugu jira senatarro iyo xildhibaanno ayaa loo igmaday inay soo diyaariyaan warbixin iyo xog aruurin ku saabsan xeerarka doorashooyinka dalka, ururrada iyo xisbiyada, iyo sharciga loo marayo dhismaha guddiga doorashada.
Qabashada doorasho qof iyo cod ah ayaa kamid ahayd qodobadii ka soo baxay shirka madasha wada-tashiga qaran, balse maamullada Puntland iyo Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa diiddan oo shaki galinaya sida ay doorasho aan dalku u diyaarsanayn loo qaban karo.
Arrintan ayaa laga cabsi qabaa in ay abuurto xiisad hor leh, wallow Madaxweynaha iyo gudoonka labada aqal ay ku adkeysanayaan in ay dalka ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, waxaase laga dhursugayaa sida guddigan uu howshiisa uga soo dhalaalo, xili ay jiraan caqabado badan oo ku hor-gudban.