Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Kismaayo xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland, waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha Dowlad-Goboleedkaas Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo gudbiyay qasriga Madaxtooyada si wadahadal ula yeesho Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ugana xaajoodaan soo afjaridda khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac.
Cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka, ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa sare loo qaaday, waxaa saacado ka hor la geeyay ciidanka ilaallada gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa Magaalada Kismaayo ka dhacaya wadahadal dhexmaraya Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo 11-kii bil ee la soo dhaafay siyaasadda ka dhaxeysay aanay wanaagsanayn.