Xabad joojintan oo ah muddo todobaad ah, ayaa lagu wadaa in ay suura galiso, in ay gargaar helaan dadka ka barakacay dagaalka dalkaasi, kuwaas oo xaaladoodu adag tahay.
Xabad joojintaan todobaadka ay ee ay kala saxiixdeen, Milatariga dalkaasi ku dagaallamaya, ayaa sidoo kale caawineysa in la horumariyo wada-hadallada ballaaran ee ay maal-gelinayaan Maraykanka iyo Sucuudiga.
Sabtidii, shalay ahayd goob-joogayaal ayaa sheegay in Khartoum ay deggan tahay, mararka qaar rasaas goos goos ah laga maqlayao degmooyinka koonfurta ee magaalada iyo Omdurman oo ku teedsan Wabiga Niil.
Bayaano kala duwan oo ay soo saarayaan ciidamada Milatariga ee xukunka dalkaasi ku dagaallamaya, ayey qoloba kuwa kale ku eedeynayaan in ay jabineyso xabad joojinta, oo u muuqata waqtigan mid aan cago badan ku taagneyn.
Dagaalkii Sudan ka qarxay 15-kii April ee sanadkan, waxaa ku geeriyooday dad rayid ah oo ay tiradoodu gaareyso 730- qof, halka ay ku barakaceen 1.3 million oo ka mid ah dadkii ku sugnaa goobaha ay dagaalladu ka socdaan, welina dadkaasi ma helin jawaab bani’aadminimo oo rasmi ah.