Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay, madaafiic xalay ku dhacday xaafado ka tirsan degmooyinka Waaberi, Xamar Jajab, iyo Warta Nabada.
Hoobiyayaashaasi, ayaa dhibaato culus gaarsiiyey qoys Soomaaliyeed, waxaana ku dhintay Aabihii qoyskaasi oo ahaa macallin dugsi Qur’aan.
Waxaa sidoo kale geeriyooday mid ka mid ah caruurtiisa, iyadoo ay dhaawac culus yihiin hooyadii qoyska, iyo ilmo ay dhashay oo lix bilood jira.
Si kastaba, inta badan dadka rayidka ayey khasaare culus ka soo gaartaa, falalka amniga lidiga ku ah ee ka dhacaya Muqdisho.