Waxaa maanta aas qaran loogu sameeyey gudaha Muqdisho, Wasiirkii Haweenka Khadiija Maxamed Diiriye, taas oo shalay ku geeriyootay Jabuuti.
Aaska Khadiija waxaa ka soo qeyb galay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya, Haween iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Khadiija Maxamed Diiriye ayaa lagu aasay qabuuro ku yaalla Isbitalka xoogga dalka, waxaana aaska oo heer qaran ahaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dalka iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Khadiija ayaa 25-kii sano ee ugu danbeysay ku jirtay hannaanka dowladnimada Soomaaliya, waxeyna door weyn ku lahayd dowlad dhiska Soomaaliya.