Dowladda Jarmalka ayaa dhawaan fududeysay qaadashada dhalashada dalkaasi, kadib markii Baarlamanka dalka Jarmalka uu ansixiyay sharci dabcinaya qaadashada dhalashada Jarmalka, Kaas oo meesha ka saaraya diidamada in qofka uu heysto laba jinsiyadood, oo markii hore mamnuuc ka ahayd dalkaasi.
Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in tallaabadan ay u qaadeyso, maddaama ay dareentay in dalkeeda uu u baahan yahay dhiig cusub, oo wax ku kordhin kara horumarka dalkaasi.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli dadka Jarmalka iyo ururada xagjirka ah ay ku ololeynayeen in dowladdu ay dalkooda u fasaxday muhaajiriin fara badan, taas oo ay si weyn uga soo horjeedeen.
Sidoo kale warkan ayaa dhambaal farxad leh u noqonaya Soomaalida sharci la’aanta ah ee ku sugan gudaha dalka Jarmalka, kuwaas oo si aad ah u cabanyey sanadihii ugu danbeeyey.
Jarmalka ayaa waxaa buux dhaafiyey muhaajiriin aad u fara badan, kuwaas oo qaarkood ay ka yimadeen Soomaaliya, sababo la xiriira amaanka dalka, iyo in ay raadinayaan nolol dhaanta tan dalkooda hooyo.