Is-baddel dhanka amniga ah ayaa laga dareemayaa Magaalada Muqdisho, tan iyo markii amniga Caasimadda lagu wareejiyey ciidamo gaar ah, kuwaas oo dareys qaas ah ku labisan, hal saldhigna ka amar qaata.
Ciidamadan cusub oo lagu soo tababaray dalka Ugandha ayey tiradoodu gaareysaa 3-kun oo askari, kuwaas oo si gaar ah uga shaqeyn doona amniga caasimadda dalka Soomaaliya.
Ciidamada ayaad ku arkeysaa isgoysyada uu ka kooban yahay Gobolka Banaadir, iyagoo baaraya gaadiidka kala duwan ee ay wataan dadka ku nool Magaalada Muqdisho.
Askartan lagu wareejiyey amniga Caasimadda ayaa xasilooni ku soo dabaalay degmooyin ay ka mid yihiin, Kaaraan, Yaaqshid iyo Dharkenleey, halkaas oo ay mudooyinkii ugu danbeeyey ka jireen Ciyaal-Weero dhibaato badan ku hayey bulshada degmooyinkaasi ku dhaqan.
Ilaa markii ay howl billaabeen ciidamadan, waxaa yaraaday weeraradii u badnaa dilalka qorsheysan iyo qaraxyada, kuwaa oo ay masuuliyadooda sheegan jireen Kooxda Al Shabaab.
Inta badan dadka Muqdisho, ayaa soo dhaweeyey howlaha ay qabteen ciidamadan cusub ee lagu wareejiyey amniga Muqdisho, iyagoo ku taliyey in lagu fara adeego guulaha ilaa iyo iminka laga gaaray sugida amniga Magaalada
Muqdisho, Caasimadda Soomaaliya, ayaa sanadihii ugu danbeeyey wajaheysay amni darro baahsan, taas oo walaac ku abuurtay dadka ku nool Magaalada, oo tiradooda lagu qiyaaso 3-malyan, hase ahaatee tallaabadan lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda ayaa u muuqata mid billaw ah.