Sida ay sheegeen saraakiisha xisbiga uu ka tirsan yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan, waxaa laga hor-istaagay waqtigan inuu u loolamo doorashada dhaceysa bisha February.
Doorashada dhaceysa 8-da bisha February, waxaa sidoo kale loo diiday in ay ka soo muuqdaan oo ay tartamaan dhamaan taageerayaasha xisbiga Imran Khan, oo iminka xabsi ku jira.
Illaa bishii August Imran Khan ayaa ku jira jeelka, waxaana dacwadaha lagu soo oogay uu ku tilmaamay shirqool la doonayo in looga reebo tartanka doorashada dalkaasi.
Imran Khan ayaa hoggaamiya xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI), waxaana qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Pakistan (ECP) ay Khan ka mamnuuceen inuu tartamo, sababo la xiriira eedaha loo heysto.