Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka jawaabtay hadallo dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo habeenimadii xalay Dubai ku eedeeyey faragelin ka dhan ah arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
La-taliyaha Madaxweynaha Imaaraadka, Anwar Gargash oo qoraal ku baahiyay bartiisa X ayaa sheegay in weerarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka tarjumayo isbeddelka mowqifyadiisa iyo siyaasaddiisa, isagoo su’aal geliyay in xisaabaadkiisa gaarka ah uu ka hormarinayo danaha qaranka Soomaaliya.
Anwar ayaa sheegay in Imaaraadku garab istaagay Soomaaliya xilliyadii ugu adkaa, isla markaana uu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed iyo duruufaha ay ku jiraan. Waxa uu sidoo kale rajo ka muujiyay in khilaafaadka gudaha ee siyaasadda Soomaaliya aysan isu beddelin loollan heer gobol ah oo wax u dhimaya danaha shacabka, amniga iyo xasilloonida.
“Xiriirka aan la leenahay shacabka Soomaaliyeed wuxuu ahaan doonaa mid ka qoto dheer khilaafaadka siyaasadeed ee ku-meelgaarka ah, xisaabaadka shakhsiga ah iyo hamiga siyaasadeed,” ayuu yiri Anwar Gargash.
