Ciidanka Maamulka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa howlgallo qorsheysan ka sameeyey Agagaarka degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose.
Ciidanka oo webiga uga gudbay dhanka kale ayaa khasaare kala duwan gaarsiiyay sida la sheegay Xubno ka Tirsan Al Shabaab, oo goobahaasi ku dhuumaaleysanayey.
Weerarkaas ayaa waxaa ka dhashay Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Xubbaha Al Shabaab ee la weeraray sida ay sheegeen saraakiisha Jubaland.
Sidoo kale dhanka waddada laamiga ah ee Jamaame iyo Kismaayo, waxay ciidanku ka sameeyeen howlgal kale, waxayna ku beegsadeen saldhigyo ay Al Shabaab ay ku lahaayeen halkaas.
Ma jirto ilaa hadda warar madax banaan oo caddeynaya sheegashada Weerarka Ciidanka Jubland ay qaadeen iyo khasaaraha ka dhashay.