Hanti dhowraha guud ee qaranka ayaa maanta awaamiir ku soo rogay shirkado dhoofiya biraha duuga ah, kuwaas oo dalal shisheeye u iib geeya.
Hanti dhowraha ayaa sheegay in ay baaritaan dheer ku ogaadeen in shirkado ay ku howlan yihiin qodista iyo dhoofinta biraha duuga ee dalka.
Qoraal ka soo baxay xafiiska hanti dhowraha ayaa lagu yiri ” Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu ogaaday in shirkado iyo shaqsiyaad ka ganacsada biraha duugga ah (Scrap) ay qodayaan dhulka xarumaha warshadaha kala duwan ee dalka qaarkood sida warshadda sifeynta batroolka ee ku taal duleedka Muqdisho ama ay dhoofinayaan agabka yaal xarumaha warshadaha iyo qalabka dhulka hoostiisa ku jira,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Hanti-dhawrka Qaranka.
Xafiiska hanti dhowraha guud ee qaranka ayaa shirkadahan ku amray in ay joojiyaan howlaha ay ku howlan yihiin, haddii kalana laga qaadi doono, tallaabo sharciga waafaqsan.