Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal saacadihii u danbeeyey ka dhacay degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhaxeeyey kooxda Al Shabaab iyo ciidamada dowladda.
Dagaalkan ayaa billawday kadib markii ay Al Shabaab, weerar culus ku soo qaadeen fariiisimada ciidamada dowladda ee degmada Qoryooleey, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.
Dagaalka intii uu socday dhinacyada ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana daryanka rasaasta laga maqlayey guud ahaan xaafada degmada Qoryooleey.
Saraakiil u hadlay ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay iska caabiyeen Al Shabaab, isla markaana ay iminka gacanta ku hayaan goobihii lagu dagaallamay.