Maanta iyo shalay waxaa Caasimada dalka laga dareemayaa diyaar-garow xooggan oo ay bulshada ugu jiraan soo dhaweynta munaasabada 26 June oo ah markii ay gobollada Waqooyi ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga.
Maamulka Gobolka ayaa wada dadaalo uu ku soo celinayo bilicda magaalada, waxaana arkeysaa haween nadiifinaya wadooyinka caasimada, gaar ahaan goobaha u dhaw xarunta Madaxtooyada.
Waxaa si aad ah u camirmay dukaamada lagu iibiyo dharka calanka, kuwaas oo helay macaamiil badan, maaddaama bulshada badankood ay iibsanayaan dharka calanka.
Dhallinyarada ku sugan Caasimada ayaa si weyn u xiiseeya maalmaha xoriyada ee 26- June iyo kowda Luuliyo, waana maalmo ay bulshada isku soo baxdo, iyagoo isugu hambalyeeynaya munaasabadan.
Sidoo kale waxaa caawa lagu wadaa in Muqdisho lagu qabto Munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayo 26 June, waxaana ka qeyb gali doona masuuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaas oo madasha ka sheegi doona milgaha xoriyada.
Inkastoo waqtigan ay Soomaaliiya kala qeybsan tahay, isla markaana muddo 30 sano ah ay bannaanka taagan yihiin gobolada waqooyi oo ku dhawaaqay gooni isu-taag, haddana dhallinta waxey muujinayaan bohalyow iyo dal jaceel, wallow aysan mar qura dhadhamin milgaha midnimada misna waa kuwo naawilaya in mar uun soomaalidu midoobaan, waase filasho ay ku dahaaran yihiin daruuro hubanti la’aaneyd.