Waxaa maanta dadka Turkiga ay u dareerayaan goobaha cod-bixinta, si ay uga qeyb qaataan doorashada ku celiska ah ee Madaxweynaha oo ay ku baratamayaan Madaxweynaha talada haya Racep Tayyip Erdogan iyo Musharaxa mucaaridka Kemal Kılıçdaroğlu.
Dadka Turkiga ayaa dooran doona Madaxweyne muddo xileedkiisu yahay 5-sano, iyadoo wareegii hore ee doorashadii dhacday 14-kii bishan, uu Erdogan helay in ka badan boqolkiiba 49%, wuxuuna in yar ka hoos maray codadkii aqlabiyada ee looga baahnaa.
Kemal Kılıçdaroğlu oo musharax u ah lix xisbi oo is-baheystay ayaa isagu helay in ku dhaw 45% cododkii ay dadka turkigu dhiibteen.
Musharxii u ordayey qolyaha wadaniyiinta, Sinan Ogan ayaa isagu isaga haray wareegii hore ee doorashada, kadib markii uu helay %5.2 boqolkiiba.
Natiijada wajigii hore ee doorashada ayaa anfariir ku riday xisbiyada is-baheystay, maaddaama codadkooda kuwa ka badan uu helay ninka talada haya ee Racep Tayyip Erdogan
Sanadkii 2017-kii ayaa afti laga qaaday dadka Turkiga, waxaa gabi ahaanba meesha laga saaray, jagadii Ra’iisul wasaare-nimo, wuxuuna Erdogan noqday Madaxweyne awood leh.
20- sano kadib markii Erdogan iyo xisbigiisa AKP, ay awooda dalkaasi qabsadeen, ayuu mar kale rajeynayaa inuu sii hoggaamiyo Turkiga, waxaana doorashadan ay tahay tii ugu adkeyd ee uu wajaho, muddadaas ku siman labaatanka sano.
Erdogan ayaa baddelay siyaasadii cilmaaniga ahayd ee soo billaabatay muddo haatan 100 sano laga joogo, wuxuuna la yimid siyaasad ku dhisan diinta islaamka.
Inkatoo natiijada doorashada aan la saadaalin karin, haddana waxaa Erdogan rajo galineysa taageeradii uu ka helay musharaxii qolyaha wadaniyiinta xagjirka ah Sinan Ogan.
Marka dib loo eego wareegii hore ee doorashada, gaar ahaan Barlamanka xisbiga AKP ee Erdogan wuxuu helay kuraasta ugu badan, isagoo arrintaasi u adeegsaday inuu shacabka Turkiga ugu baaqo in ay isaga doortaan, si Turkigu uu u yeesho dowlad iyo Barlamaan hal xisbi ah oo wada shaqeynaya.
Musharax ay is hayaan Kemal Kılıçdaroğlu oo ah musharaxa ugu saameynta badan mucaaridka, iyo gudoomiyaha xisbiga Turkiga (CHP) oo uu aas aasay Aabihi Turkiga casriga ah Mustafa Kamal Ataturk.
Kılıçdaroğlu wuxuu cod bixiyayaasha ugu yaboohay inuu turkiga ku soo celinayo dimoquraadiyad dhab ah iyo garsoor madax bannaan, waxaa kale oo uu ballan qaaday inuu dib u celinayo kumannaan qaxooti siiriyaan ah oo ku soo qaxay Turkiga, taas oo fududeyn karta inuu cod ka helo wadaniyiinta, oo aad uga soo horjeeday qaxootiga dalkooda buux dhaafiyey.
Dhinaca kale waxaa taageeradooda u ballan qaaday xisbiyada kurdiyiinta, iyadoo ajandayaasha ugu waa weyn ee lagu baratamayo ay kala yihiin, wax ka qabashada dhaqaalaha Turkiga, xuquuqda aadanaha, sicir bararka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dalkaasi.
In ka badan 46 milyan oo ka mid ah 85-ka bilyan ee shacabka Turkiga, ayaa isu diiwaan geliyey in ay ka codeeyaan 192 kun oo goobood, waxaa sidoo kale ku dhawaad 3 milyan iyo bar oo ka tirsan jaaliyada Turkiga ee dibadaha ayaa codkooda sii dhiibtay intii u dhaxeysay 20- ilaa 24-kii bishan.
Wareegii hore ee doorashada waxaa ka qeyb galay boqolkiiba 87% dadkii heystay kaararka codeynta.
Si kastaba Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka mid ah dadka aadka u daneynaya arrimaha la xiriira natiijada doorashadan, maaddaama Turkigu 10-kii sano ee ugu danbeysay uu saaxiib dhaw la ahaa Soomaaliya, Isagoo saldhiga ugu weyn ee uu Afrika ku leeyahayna ka furtay Muqdisho, halkaas oo sanad walba si joogta ah loogu tababaro ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya
Doorashada maanta dhaceysa ayaa go’aamin doonta in Erdogan uu sii xajisto xukunka iyo in Turkiga yeesho Madaxweyne cusub, taas oo wax badan ka baddeli doonto siyaasadda xisbigii talada hayey 20-kii sano ee la soo dhaafay.
WQ: Ayaanle Qoyste