(Hortabin Media) – Sida wararku sheegayaan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa isaga baxay saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada Ceel Dheer, Masagaway, Budbud iyo Galcad.
Arrintan ayey saraakiishu ku macneeyey dib u gurasho, ku aaddan xeelad dagaal, balse lama helin warar intaasi dhaafsiisan.
Ciidamada dowladda ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey Al Shabaab ka qabsaday deegaano badan oo ka tirsan maamulka Hirshabelle iyo Galmudug, waxaana mararka qaar dhacda in lagu soo qaado weeraro rogaal-celis ah, oo uu ka soo gaaro khasaare baaxad leh.
Sida la xaqijiiyey ciidamada ayaa weli ku sugan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay la wareegeen jimcihii, iyagoo aan wax iska caabin ah kala kulmin Al Shabaab.
Si kastaba lama hubo waxyaabaha rasmiga ah ee dhaliyey in ciidamada dowladda ay isaga baxaan saldhigyadii ay ku lahaayeen deegaanada Ceel Dheer, Masagaway, Budbud iyo Galcad, kuwaas oo sida la ogsoon yahay qabashadooda ay kal hore qaadatay waqti aad u fara badan.
WQ: Ayaanle Qoyste