Cali Cabdi Wardheere oo horey usoo noqday Gudoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir, kana mid ahaa aas aasayaasha xibiga Nabad iyo Nolol ayaa dhawaan laga saaray xibigaasi kadib war ka soo baxay.
Cali ayaa si dadban u diiday go’aanka xisbiga, isagoo fariin u diray hoggaamiyaha Xisbigaasi oo ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Cali ayaa Farmaajo ka dalbaday inuu warbaahinta u cadeeyo, sababta looga saaray xisbiga, waxaana ka hor intaasi uu Cali sheegay in aanu aqlabeynin go’aankii Xisbiga looga saaray
Baraha Bulshada ayey maalmihii la soo dhaafay qabsatay sheekada ku aaddan khilaafka ka dhex aloosmay Cali Yare iyo Xisbiga Nabad iyo Nolol.
Xisbiga ayaa sheegay in Cali uu ka soo gaaray dalab ah inuu isaga tagayo Xisbiga, kaas oo sida ay sheegeen ay xubnaha xisbigu aqlabaleen, balse Cali wuu beeniyey inuu fariintaasi isagu u gudbiyey xisbiga.
Kalsooni kala noqoshada Cali Yare ee Nabad Iyo Nolol, ayaa salka ku heysa khilaaf muddo dheer soo jiitamayey oo u dhaxeeya isaga iyo Kulane Jiis oo ku heyb ah Farmaajo.