Afrika ayaa luminaysa 5-15% kobaca dakhliga soo gala qofka sanadkiiba iyadoo ay ugu wacan tahay saamaynta isbeddelka cimilada sida uu sheegay Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB).
Qaaradda Afrika waxaa si aad ah u saameeyay isbeddelka cimilada oo sare u qaaday saameynta abaaraha, fatahaadaha iyo duufaanno ka dhacay qaaradda sannadihii u dambeeyay.
Wadamada Afrika waxay heleen ku dhawaad 18.3 bilyan oo dollar dhaqaalaha loogu talo galay in lagula tacaalo cimilada intii u dhaxaysay 2016 iyo 2019 sida uu sheegay Kevin Urama oo ah ku simaha madaxa maaliyadda ee Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB). Laakiin qaaradda ayaa u baahan dhaqaale dheeraad ah oo gaaraya $1.3 tiriliyan oo lagula tacaalo isbadalka cimilada ee qorshaha 2020-2030.
Wadamada qaniga ah ayaa balan qaaday sanadkii 2009-ka in ay gaarsiinayaan 100 bilyan oo doolar maalgelinta cimilada adduunka, laakin ballan-qaadkaas oo ku eg illaa sanadka 2025 ayaa kaliya qeyb ahaan la fuliyay.
Wasiirrada dalalka Afrika oo shir ku yeeshay magaalada Qaahira usbuucii hore ka hor shirwaynaha cimilada ee COP27 ee November ayaa ka dhiidhiyay taageero la’aanta dhaqaale ee ay qaaraddu wajaheyso iyagoo sheegay in qaaradda ay heshay oo kaliya wax ka yar 5.5% maalgelinta cimilada adduunka.
Axmed Dhaqane, Nairobi