Kooxda Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday faariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Kaxda ee galbeedka Muqdisho.
Weerarka kadib waxaa halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo dhinacyadu isaga hor yimaadeen, waxaana ciidamadu ay iska caabiyeen Al Shabaab.
Dagaalka intii uu socday waxa ay dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dhawaqa rasaasta laga maqlayey inta badan xaafadaha Muqdisho.
Waxaa dagaalkan ku geeriyooday 9 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.