Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Elisabeth Borne ayaa si xarago leh uga badbaaday mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ay ka keeneen isbahaysiga garabka bidix.
Tiro dhan 146 xildhibaan ayaa u codeeyay mooshinka halka loo baahnaa 289 cod si cod aqlabiyad buuxda ah loogu rido xukuumadda.
Isbahaysiga NUPES, oo ah kooxda ugu weyn ee mucaaradka ku ah madaxweyne Emmanuel Macron ayaa ka kooban 151 xildhibaan laakiin 5 ka mid ah ayaa doortay in aysan u codeyn mooshinka kalsooni kala noqoshada, taas oo Borne u sahashay in aan looga guuleysan mooshinka.
Ra’iisul Wasaare Borne oo la hadashay xildhibaanada ka hor inta aan la qaadin codka ayaa tiri
“Mooshinkan waa mid siyaasadeysan laakiin maanta waa in aan eegnaa danta iyo maslaxada guud ee dadkeena“.
Maxamed Xuseen, Hortabin Media