Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay inuu howlgal milatari oo si gaar ah loo qorsheeyay ka fuliyay dalka Yemen, kaas oo lagu bartilmaameedsaday 60 goobood oo milatari oo ay leeyihiin kooxda Xuutiyiinta.
Afhayeenka isbahaysiga, Turki al-Maliki, ayaa sheegay in duqeymaha lagu burburiyay goobo milatari iyo godad dhulka hoostiisa ah oo kooxda Xuutiyiintu adeegsan jirtay iyo bakhaarro lagu keydiyo gantaallada riddada dheer.
Al-Maliki ayaa Arbacadii subaxnimadii sheegay in duqeymaha la fuliyay Talaadadii, laguna bartilmaameedsaday goobaha ku yaalla gobollada Sanca, Xudeyda, Camraan iyo Sacda.
Duqeymaha ayaa dhacay xilli dagaalyahannada Xuutiyiinta, oo sidoo kale loo yaqaan Ansaar Allah, ay ku sii siqayeen magaalada Cadan ee koonfurta Yemen, taas oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay.
Maalmihii la soo dhaafay, ciidamada dowladda Yemen iyo kuwa taageersan ayaa isaga baxay garoonka diyaaradaha Dhubaab iyo deegaanno ku dhow marinka Bab al-Mandab, oo ah marin-biyood istaraatiiji ah oo ku yaalla galbeedka gobolka Tacis.
Ciidamada ayaa la sheegay inay dib u gurteen si ay u xoojiyaan difaaca magaalada Cadan, xilli ay sii kordhayeen dhaqdhaqaaqyada milatari ee Xuutiyiinta.
Dhanka kale, dagaallo ayaa dib uga qarxay deegaannada Tur al-Baaxa ee gobolka Laxaj, halkaas oo ay isku horfadhiyeen ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada Xuutiyiinta.
Weriye Hadiil al-Yamani oo ka tirsan telefishinka Al Jazeera, kana soo warramaysa gobolka Tacis, ayaa sheegtay in dagaallo xooggan ay halkaasi ku dhexmarayaan ciidamada dowladda iyo kooxda Xuutiyiinta.
“Xaaladda dhulka, waxaa ka socda dagaallo aad u culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Xuutiyiinta,” ayey tiri weriyaha.
Waxay sheegtay in maamulka deegaanka uu Xuutiyiinta ku eedeeyay inay madaafiic ku garaacayaan dadka rayidka ah iyo xaafadaha ay deggan yihiin.
Al-Yamani ayaa sidoo kale sheegtay in tuulooyin ku yaalla buuraha Jabal Sabr ay ku jiraan go’doomin buuxda, iyadoo dadka deegaanka ay codsanayaan in loo furo marinno ammaan ah oo ay dadka rayidka ahi ku baxsan karaan.
Waxay intaas ku dartay in weerarro joogto ah oo ay fuliyaan dadka wax toogta ee ku dhuunta goobaha sare ay bartilmaameedsanayaan shacabka, iyadoo dad badan ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.
Xaaladda sii xumaanaysa ee amni ee Yemen ayaa walaac hor leh ku abuurtay dadka rayidka ah, gaar ahaan deegaannada ay ka socdaan dagaallada iyo kuwa ay go’doomiyeen dhinacyada isku haya colaadda.
